Ereyga Maanta: shugriyid
holmiso Wax holan ku dubasho. ld holanso.
holoc (1) Ololka uu bixiyo dabka marka uu huro. ld holac¹.
holoc (2) Dab olol bixin.
holon 1. Dabayl kulul; hongorre. 2. Gaajo iwm. 3. Carro, dambas iwm. oo kulul. ld holan.
hongid eeg honog². ld hungid.
hongod Garbaha oo hore yara u soo gota. ld hungod.
hongorre Dabayl kulul; hanfi.
honog (1) Sangoror.
honog (2) Sanka dhiig ka sii deyn. ld hunug.
honono' (1) Ka soo hormaridda neef ooman ama dhalay uu ka soo hormaro xooluhuu la socday.
honono' (2) Marka geelu xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo; horaadis.
honono' (3) Neef dhalay ama ooman xooluhuu la socday ka soo hormarid.
honono'id eeg honono'³.
hontorro Geed bixiya miro kulku-lucsan oo tiinka u eg oo macaan badan markay bislaadaan. ld ontorro.
hoo (1) Siinta cid wax la siiyo.
hoo (2) 1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado.
hoo (3) 1. Xoolo, dad iwm habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iwm hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. ld hoy², hoyi.
hoobaalayn ld hooyaalayn.
hoobaale ld hooyaale.
hoobaalee ld hooyaalee.
hoobaan Miro aad u bislaaday.
hoobad 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. ld hoobasho.
hoobal 1. (riw.) Qof heesaa ah ama jila riwaayadaha. 2. Qof dheela ciyaaraha. 3. Shaydaanka ugu weyn cayaaraha la tunto. ld hobol.
hoobalad Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.
hoobale ld hooyaale.
hoobasho eeg hoobo. ld hoobad.
hoobeyaa Halqabsi lagu billaabo ama loo adeegsado huwaaleyda oo ah heesta carruurta lagu hurdisiiyo.
hoobi 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
hoobin eeg hoobi. ld hoobis.
hoobis ld hoobin.
<< < 744 745 746 747 748 749 750 751 752 753 754 > >>