Ereyga Maanta: nacaal
hooseeye ay wadaagaan (xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.
hoosgal Cid maganteeda gelid.
hoosgalla' ld hooskalla'.
hoosgashi Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
hoosgeli Neef riyo ah oo la lisayo madaxiisa bowdyaha dhexdooda gelin.
hoosgelid eeg hoosgal.
hoosgelin eeg hoosgeli.
hoosgunti Maro raggu hoos ka xirto.
hoosh (1) Boobidda wax la boobo.
hoosh (2) Cid wax boobid.
hooshid eeg hoosh².
hoosi Wax hoos u yeelid.
hoosid eeg hoos³.
hoosiis Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
hoosiman Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
hoosimasho eeg hoosimo.
hoosimo Guro awr hoosin u yeelasho.
hoosin (1) eeg hoosi.
hoosin (2) Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
hoosinnaan eeg hoosiman. ld hoosinnaansho.
hoosinnaansho ld hoosinnaan.
hoosjoog Cid ku hoos noolaansho.
hoosjooge Qof dad kale ka hoos shaqeeya.
hoosjoogid eeg hoosjoog.
hooskalla' Qof u muuqda inuu wanaagsanyahay oo aan wax tar lahayn. ld hoosgalla'.
hooskatuur Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
hooskuhar ld hoosaharre.
hoosmari Wax, wax kale hoostooda dhigid.
hoosmarin eeg hoosmari.
hooso 1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
<< < 748 749 750 751 752 753 754 755 756 757 758 > >>