jafjaf (1) 1. Dhul dulla ah oo dhaguxu ku badan yahay, leh dhir badan oo geed-gaab ah mariddeeduna adagtahay. 2. Qolof, jilif iwm oo geedo laga soo guray.
jafjaf (2) 1. Qolof, jilif iwm geed ka ridid. 2. Gogol iwm boor ka duulin.
jafjafid eeg jafjaf².
jaflayn eeg jaflee.
jafle 1. Xoolo lugaha dambe oo wax lagu haraatiyo, siiba lo'da la lisayo oo kirtanka badan. 2. Miraha ceerinka marka ay qallalaan.
jaflee Xoolo jafle samayn.
jafnaan eeg jafan. ld jafnaansho, jafni.
jafnaansho ld jafnaan.
jafni ld jafnaan.
jafo 1. Qolof, jilif iwm geed ka goosasho. 2. Gogol boor ka duulin.
jagaf 1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalabka guriga la dhigo ama laga sameeyo oo baalid ah.
jago 1. Meel bannaan oo aan weli degaan laga dhigin. 2. Heer darajo oo shaqo.
jaguug Xoolo ama qof madax adag oo hoggaamintiisu ay dhib badan tahay.
jaguugnimo Jaguug ahaansho.
jahaad (1) (dii.) Dagaal loo galo difaaca iyo fidinta diinta Islaamka. ld jihaad¹.
jahaad (2) (dii.) Difaaca iyo fidinta diinta islaamka ku dagaallamid. ld jihaad².
jahaadid eeg jahaad². ld jihaadid.
jahad ld jahasho.
jahannamo Magacyada naaraha mid ka mid ah.
jahasho eeg jaho. ld jahad, jihad, jihashi.
jahawareer (1) ld jaahwareerid.
jahawareer (2) ld jaa-hwareer².
jahawareeri ld jaah-wareeri.
jahawareerid ld jaahwareerid.
jahawareerin ld jaahwareerin.
jahawareersan ld jaahwareersan.
jahawareersanaan ld jaahwareer-sanaan.
jahawareersanaansho ld jaahwa-reersanaan.
jahayn eeg jahee. ld jahays, jihayn, jihays.
jahays ld jahayn.
<< < 816 817 818 819 820 821 822 823 824 825 826 > >>