Ereyga Maanta: silqo
jariimad ld jariimo.
jariimo Dembi weyn oo cid laga galo. ld jariimad.
jariir Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. ld jiriir.
jarjar (1) 1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iwm oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.
jarjar (2) Wax mid ahaa qaybo u googoyn.
jarjaran (1) Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay noqosho.
jarjaran (2) Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay ahaansho.
jarjarid eeg jarjar². ld jarjaris.
jarjaris ld jarjarid.
jarjarmid eeg jarjaran¹.
jarjarnaan eeg jarjaran². ld jarjar-naansho.
jarjarnaansho ld jarjarnaan.
jarmaad Aroor hore socosho. ld jermaad.
jarmaade ld jarmaa-do.
jarmaadi Wax aroor hore socodsiin; kallihin. ld jermaadi.
jarmaadid eeg jarmaad. ld jarmaadis², jermaadid.
jarmaadin eeg jarmaadi. ld jarmaa-dis¹, jermaadin.
jarmaadis (1) ld jarmaadin.
jarmaadis (2) ld jarmaadid.
jarmaado Socodka aroorta hore la socdo. ld jarmaade, jermaado.
jarmaadsan Wax arooryo hore soconaya ahaansho. ld jermaadsan.
jarmaadsanaan eeg jarmaadsan. ld jarmaadsanaansho, jermaadsanaan, jer-maadsanaansho.
jarmaadsanaansho ld jarmaadsa-naan.
jarmid eeg jaran¹.
jarmo Kayn aan la mari karin. ld jed.
jarnaan eeg jaran². ld jarnaansho.
jarnaansho ld jarnaan.
jaro 1. Wax qayb ka goosasho. 2. Timo si wanaagsan u goyn. 3. Haad booladu tahay haad kale ku qabsasho. 4. Shax xabbad qaadid.
jarrad 1. Doonta marka shiraaca kor loo saaro si ay socodka u badiso. 2. Safar u aqool. 3. Hab xisaabeed wax loo tiriyo (hal jarrad, laba jarrad iwm).
jarrayn eeg jarree. ld jarraysimo.
<< < 826 827 828 829 830 831 832 833 834 835 836 > >>