Ereyga Maanta: dhiifoonaan
jiingad Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jiiq (jiiq, m.dh) (bot.) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
jiiqjiiqle 1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
jiiqo 1. Wax sinnaa meesha ay dhumucdiisu ka yaraato. 2. Dhabar god-naanta dadka iyo xooluhu yeeshaan. 3. Wasaq ama qashin aan kala soocnayn.
jiiqsad ld jiiqsasho.
jiiqsasho eeg jiiqso. ld jiiqsad, jiiqsi.
jiiqsi ld jiiqsasho.
jiiqso 1. Xoog u sheegasho. 2. Qof meel wax kula dhuumasho.
jiir 1. Hilibka intiisa aan baruurta lahayn. 2. (-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli. 3. Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.
jiir (1) Meel sare oo ciriiri ah oo fuuliddeedu dhib tahay.
jiir (2) 1. Meel xoog ku marid. 2. Wax, wax kale xoog dusha uga marid.
jiiraan Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. ld jaaraan.
jiiraggo' (1) Xanuun muruqyada ku dhaca daal ama jug gaartay awgeed. ld jiirgo'¹.
jiiraggo' (2) Qof jug gaartay ama daal awgiis murqo xanuunid. ld jiirgo'².
jiiraggo'id eeg jiiraggo'². ld jiirgo'id.
jiirasho eeg jiiro.
jiirgo' (1) ld jiiraggo'¹.
jiirgo' (2) ld jiiraggo'².
jiirgo'id ld jiiraggo'id.
jiirid eeg jiir².
jiirnac (1) Nacayb iyo karaahiyo cid loo qabo.
jiirnac (2) Colaad iyo karaahsi cid u qabid.
jiirnax (1) Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.
jiirnax (2) U j.: dareen raxmad leh cid u hayn.
jiirnicid eeg jiirnac².
jiirnixid eeg jiirnax².
jiiro Si wax caloosha ku jira (saxro ama muluq) la isaga saaro muruqyada caloosha adkayn.
jiirsii 1. Wax meel ciriiri ah xoog ku marin. 2. Wax, wax kale xoog ku dul marin.
jiirsiin eeg jiirsii.
jiis 1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalan-yahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee lab-ka ah ee sagaarada.
<< < 841 842 843 844 845 846 847 848 849 850 851 > >>

