Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
jiriibbamid eeg jirriibban². ld jir-riban¹ (2).
jiriibban (1) 1. Hadal hagag ah oo laysku celceliyo. 2. ld jirribamid.
jiriibban (2) Hadal hagag ah isku celcelin.
jiriid Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
jiriiddee Jiiriddada buurid; hadba jiirid muujin.
jiriiddeyn eeg jiriiddee.
jiriido Shay raandhiis leh oo loo aayo.
jiriir ld jariir.
jiriiricaysan Wax jiriirico hayso ahaansho.
jiriiricaysnaan eeg jiriiricaysan. ld jiriiricaysnaansho.
jiriiricaysnaansho ld jiriiricaysnaan.
jiriirico Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iwm la dareemo.
jiriiricoo Jiriirico dareemid.
jiriiricood eeg jiriiricoo.
jirin eeg jiri.
jiririq Cod ay sameeyaan xaya-waanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. ld jirriq.
jiririqlee Jiririq samayn.
jiririqleyn eeg jiririqlee.
jirjir 1. Dhabarka dadka iyo nafleya kale. 2. Labada dhinac ee feeraleyda midkood. 3. Mindi iwm dhinaca wax gooya, ma ahee dhinaca kale. 4. Webi, beer iwm gawgoo-da.
jirjirree 1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.
jirjirreyn eeg jirjirree.
jirjirroole 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
jirme (bot.) Geedgaab, qodax yaryar iyo caleemo balballaaran leh, dhulka buuralay-da ah ka baxa oo qoloftiisa wax lagu aslado. ld jirmo.
jirmi ld jurmi.
jirmo ld jirme.
jirnac (1) Dhul goof noqday.
jirnac (2) Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish.
jirnax (1) ld jiirnax¹.
jirnax (2) ld jiirnax².
jirnicid eeg jirnac².
<< < 850 851 852 853 854 855 856 857 858 859 860 > >>