Ereyga Maanta: raysmaggaarto
kalabbaran (1) Weel wax bar ah noqosho.
kalabbaran (2) Wax laba meelood loo qaybshay ahaansho.
kalabbarasho eeg kalabbaro.
kalabbarid eeg kalabbar².
kalabbarmid eeg kalabbaran¹.
kalabbarnaan eeg kalabbaran². ld kalabbarnaansho.
kalabbarnaansho ld kalabbarnaan.
kalabbaro 1. Wax kala aqoonsasho. 2. Wax laba qaybood ka dhigasho.
kalabbartan Dhibicda goobaabida laba isle'eg u qaybisa.
kalabbax (1) Kala miirmidda laba waxood oo isku jiray ay kalamiirmaan.
kalabbax (2) (kiim.) Falgalka kiimikaad ee iskudhis u kala jabiya iskudhisyo ka kooban molikuyuullo fudud.
kalabbax (3) 1. Laba shay oo isku jiray kala miirmid. 2. Laba shey ama ka badan oo isku jiray kala furmid. 3. Derin, maro iwm kala siibmid. 4. Kala tegid.
kalabbaxsan Wax kalabbaxay ahaansho.
kalabbaxsanaan eeg kalabbaxsan. ld kalabbaxsanaansho.
Kalabbaxsanaansho ld kalabbax-sanaan.
kalabbaxsasho eeg kalabbaxso.
kalabbaxso Wax duubnaa kala fidsasho.
kalabbayr Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
kalabbixi 1. Wax isku jirey kala saarid. 2. Badar shiidan budo iyo jariir u kala saarid.
kalabbixid eeg kalabbax².
kalabbixin eeg kalabbixi. ld ka-labbixis.
kalabbixis ld kalabbixin.
kalabbixiye (c.nafl.) Noole ka hela tamarta burburka kiimikeed ee noolayaal dhintay ama qashinka dhirta. Tusaale ahaan: dirxi dhuleed, fangiga iyo bakteeriya fara badan.
kalabbood (1) Khilaaf; ismaandhaaf.
kalabbood (2) 1. Figrad, dood iwm isku khilaafid. 2. Bur iyo biyo u kala bixid (caano)
kalabboodid eeg kalabbood².
kalabboodsan Wax kalabbooday ahaansho.
kalabboodsanaan eeg kalabboodsan. ld kalaboodsanaansho.
kalabboodsanaansho ld kalabood-sanaan.
kalafuji Wax isku dhegganaa labo u kala qaadid.
<< < 877 878 879 880 881 882 883 884 885 886 887 > >>