Ereyga Maanta: shugriyid
kaldheer Lafaha dhuuxa leh ee dhaadheer middood.
kaldho 1. Caws caleemo dhaadheer, dun adag oo laga sameeyo rarada. 2. Maqaar lo'aad qallalan oo la goglado.
kalfadhi Fadhi waqti cayiman la qabto oo looga hadlo arrimo muhiim ah.
kalgacal Rabitaan iyo qaddarin qoto dheer oo cid loo hayo. ld kalgacayl.
kalgacayl ld kalgacal.
kalgal Habka ay curiyayaasha kiimikadeed ay u nidamsan-yihiin.
kalhoraad Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
kalhuuris (1) (daaw.) Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.
kalhuuris (2) Xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso.
kali ld keli².
kali-talis (siyaa.) Dawlad keli talis ah, waa nidaam dawladeed ee xisbi keliya waddanka xukumo, oo aan u oggoleyn kooxo ka soo horjeesta.
kaligitaliye 1. Qof madax ah oo aan talada cid kale wax ka siin. 2. Qof madax adag. ld keligitaliye.
kaligitashade Qof arrimihiisa aan cid kale la tashan. ld keligi-tashade.
kaligoodtashadayaal eeg kaligi-tashade. ld keligoodtashadayaal.
kaliil Xilliga roobka gu'bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
kalitashad Dabeecad qof leeyahay oo aan cid la tashan. ld kalitashi, kelitashad, kelitashi.
kalitashi ld kalitashad.
kalkaal (1) Gargaar; kaalmo; taageero; waxtar.
kalkaal (2) Cid taageero u fidin ama wax tarid.
kalkaalid eeg kalkaal².
kalkaaliso Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
kalkaaliye Nin loo tababbaray inuu kaalmeeyo dhakhtarrada.
kalkaggeeddi K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.
kalkoon Miro yicibeed oo dhilan.
kalkoosh Suun ballaaran oo xersi ka lusha oo dhallinta shirta ciyaartaa qoorta ku xirtaan.
kalkulas (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto xigidda iyo abyinaynta fansaarada iyo mawaadiicda la xiriira. Waxaana loo qaybiyaa kalkulas abyineed iyo kalkulas xigsinayd.
kalkulas-abyineed (xis.) Qayb ka mid ah kalkulaska ee lagu barto abyinaynta iyo adeegsigiisa. Waxa lagu dabaqaa raadinta bededka, mugagga, dhererrada xoodka ama furfurista xigsineed.
kalkulas-xigsineed (xis.) Waxa ay la xiriirta dhakhsaha isbeddelka ee fansaaro marka loo eego isbeddellada ku dhaca doorsoomaha madax bannaan. Waxa ay ka soo ifbaxday dhibatooyinka la xiriira soo saaridda taabteyaasha xoodka.
kallah (1) Ka tegidda aroor hore, meel laga tago; jarmaad. ld kallahaad, kallaho.
kallah (2) Aroorta hore meel ka tegid.
<< < 880 881 882 883 884 885 886 887 888 889 890 > >>