karood (1) 1. Cudur si degdeg ah wax u dila; habaar. 2. Dhul taag ah, dhagax leh oo dhirtu ku yartahay. 3. ld baroodid.
karood (2) 1. Cudur nafley degdeg u dilid. 2. ld barood².
karoodid ld baroodid.
karoor (1) 1. Meel dhisan oo lagu kaydiyo dalagga ka soo go'a beeraha, kana samaysan tiirar kor loo dhisay dushana laga saaray caws iyo hargo. 2. Wax badan oo lays dulsaaray.
karoor (2) Wax badan is dul saarid.
karoorad ld karuurasho.
karooran Wax badan oo lays dul saaray ahaansho.
karoorasho ld karuurasho.
karoorid eeg karoor².
karoornaan eeg karooran. ld karoor-naansho.
karoornaansho ld karoornaan.
karooro ld karuuro.
karooto Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
karraani Qof xafiis, dukaan iwm ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
karrays Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
karraysad ld karraysasho.
karraysi ld karraysasho.
karrayso 1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho.
karreeb 1. (u) Geel dhalay oo ubadka xerada looga reebay. 2. (-bo, m.l) Warqad meel loo qoray koobiga ka hara.
karriin ld garriin.
karriinlarroor 1. Degdeg badan. 2. Qof degdegsiinyo badan.
karro Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
karsad Badar iwm qashin ka saarasho. ld karsasho.
karsan Wax la kariyey ahaansho.
karsanaan eeg karsan. ld karsa-naansho.
karsanaansho ld karsanaan.
karsasho eeg karso. ld karsad, karsi.
karshimi Hilib aad u bislayn.
karshimid eeg karshin².
karshin (1) Hilib aad loo bisleeyey.
<< < 888 889 890 891 892 893 894 895 896 897 898 > >>