Ereyga Maanta: nohnoh
gunti (2) U g.: cid maro hoos ugu xirid.
guntid eeg gunud².
guntiino Maro ay haweenku xirtaan oo 4 yaardi ama ka badan ah.
guntin 1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
guntin-dareen (c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
gunto 1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin.
gunud (1) Meesha xarig ama laba ay isaga xirmaan.
gunud (2) Xarig iwm guntin u yeelid.
gunuunuc (1) Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. ld dunuunuc¹, gunuunus¹, gunuus¹.
gunuunuc (2) Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. ld dunuunuc², gunuunus², gunuus².
gunuunucid eeg gunuunuc². ld dunuunucid, gunuunsid, gunuusid.
gunuunus (1) ld gunuunuc¹.
gunuunus (2) ld gunuunuc².
gunuunusid ld gunuunucid.
gunuus (1) ld gunuunuc¹.
gunuus (2) ld gunuunuc².
gunuusid ld gunuunucid.
gur 1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².
gur (1) 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gur (2) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).
guraabbaas (1) 1. Hadal badan oo aan murti lahayn oo qof carraysani ku hadlo. 2. ld guraabbaasid.
guraabbaas (2) Hadal badan oo aan murti lahayn oo caro ku jirto dhihid.
guraabbaasid eeg guraabbaas². ld guraabbaas¹ (2).
guraanti 1. Geri dheddig oo weyn. 2. ld guraati.
guraati ld guraanti.
gurad ld gurasho.
guran 1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno).
guran (1) Geel aan irmaanayn; horweyn.
guran (2) Neef irmaan canihii ka dhamaasho.
guranyo Geedka diirta marka uu laba dhegood dhaafo oo laanna uusan weli yeelan. ld gureeyo.
<< < 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 > >>