Ereyga Maanta: saawir
bankarroor (2) Cabsi badan dareemid.
bankarroori Cabsi badan cid ku abuurid.
bankarroorid eeg bankarroor².
bankarroorin eeg bankarroori.
bankarroorsan Wax bankarroor ku dhacay ahaansho.
bankarroorsanaan eeg bankarroorsan. ld bankarroorsanaansho.
bankarroorsanaansho ld bankarroorsanaan.
banki Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.
banmar (1) 1. Cudur caaliriya candho neef markaa dhalay oo ka yimaadda nadaafaddarro. 2. ld banmarid.
banmar (2) Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.
banmari Neef markaa dhalay banmar ku ridid.
banmarid eeg banmar². ld banmar¹ (2).
banmarin eeg banmari. ld banmaris.
banmaris ld banmarin.
bannaambax (1) ld bambax¹.
bannaambax (2) ld bambax².
bannaambixid ld bambixid.
bannaan (1) 1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.
bannaan (2) 1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.
bannaan-fatah (jool.) Dhul siman oo webi saaran oo ka samaysmay tuullimaadyada xaabka webigu uu sido.
bannaanaan eeg bannaan². ld bannaanaansho.
bannaanaansho eeg bannaanow. ld bannaan.
bannaanayn ld bannayn.
bannaanee ld bannee.
bannaanow 1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.
bannayn eeg bannee. ld bannaanayn.
bannee 1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).
bano 1. Dhaxan badan. 2. B. ah: meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn.
banoo Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.
banood eeg banoo.
<< < 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 > >>