Ereyga Maanta: darar
neefee Wax neef gelin.
neefgur (1) ld neeftuur¹.
neefgur (2) ld neeftuur².
neefgurid ld neeftuurid.
neefi 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
neefin eeg neefi. ld neefis.
neefis ld neefin.
neefqalow Dhowr neef oo ari ah oo midba mar lumay.
neefsad ld neefsasho.
neefsasho (1) eeg neefo. ld neefsad, neefsi.
neefsasho (2) Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.
neefsasho ogsajiin la' (baay.) Nooc ka mid ah neefsashada oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohaydraytyada) ay qayb ahaan u ogsidhooban iyagoo sii daynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad ogsajiin aan u baahnayn.
neefsasho ogsajiin leh (baay.) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.
neefsi ld neefsasho.
neefso 1. Nafley, neef sii deyn. 2. Muddo yar nasasho.
neeftuur (1) Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. ld neefgur¹.
neeftuur (2) Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. ld neefgur².
neeftuurid eeg neeftuur². ld neefgurid.
neeqaab Qoriga dakhalku ku qotomo.
neeuroosis (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
nefi Ka n.: cid nasasho yar siin.
nefin eeg nefi.
nefis (1) 1. Meel aan ciriir ahayn. 2. Waqti yar oo hawl laga nasto. ld nafis.
nefis (2) Hawl muddo yar ka nasasho.
nefisid eeg nefis².
neg 1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².
negaadi (1) 1. Dhaqdhaqaaq la'aan. 2. Socdaal laga baaqdo. ld nagaadi¹.
negaadi (2) Geeddi ka baajin; dejin. ld nagaadi².
negaadin eeg negaadi². ld nagaadin.
negaan eeg neg. ld nagaan, nagaansho, nagi¹, negaansho, negi¹.
<< < 1130 1131 1132 1133 1134 1135 1136 1137 1138 1139 1140 > >>