Ereyga Maanta: qoto-ekeeye
ololsanaan eeg ololsan. ld ololsanaansho.
ololsanaansho ld ololsanaan.
omos Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.
onkod (1) Shanqar weyn oo kolkay daruuraha biyaha leh isku dhacaan ka yeerta; gugac. ld unkod.
onkod (2) Daruuro biyeysan oo isku dhacay shanqarid; gugacid.
onkodid eeg onkod².
onkojiin (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
onkooloji (daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.
ontoogoni (baay.) Korritaanka noolaha laga bilaabo unug bacrinsan ilaa inta uu qaangaadhayo.
ontor (1) Ur qurmuun oo ka soo baxda wax qurmay.
ontor (2) Wax qurmid.
ontorid eeg ontor².
ontorro (bot.) Geed weyn qodax lahayn, hoos fiican, oo leh miro kulkulucsan oo macaan. ld hontorro.
oo 1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.
ood (1) 1. Dhir la gooyey oo xero iwm lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.
ood (2) 1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid.
oodaale Badar uu dhalo geed digir ah oo fufay.
oodafayn eeg oodafee.
oodafee 1. Cid aflagaaddo gaarsiin 2. Xero afka ood ka saarid.
oodafo 1. Ood weyn oo xerada xoolaha afka laga saaro. 2. Aflagaaddo.
oodan (1) 1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. ld oodmid.
oodan (2) Ciyaarta shaxda oo aan meel laga soo galo lahayn.
oodan (3) 1. Wax xirmay noqosho (albaab, xero iwm). 2. Arrin, hadal iwm wax naan meel haysan noqosho.
oodan (4) 1. Xero wax la ooday ahaansho. 2. Qof aan waxba la dhacsiin karin ahaansho.
oodasho eeg oodo.
oodayn eeg oodee.
ooddin Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
oodee Xero iwm ood saarid.
oodeysasho eeg oodeyso. ld oodeysi.
oodeysi ld oodeysasho.
<< < 1146 1147 1148 1149 1150 1151 1152 1153 1154 1155 1156 > >>