Ereyga Maanta: qurdan
qarshad ld qarsho.
qarshi (quruush, m.dh) Lacag jajab ah oo u dhiganta hal shilin oo waayihii hore la isticmaali jirey.
qarsho 1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.
qarsi ld qarsasho.
qarsin Fandhaal weyn; qudde.
qarso Wax meel aan laga arki karin dhigasho.
qarsoodi 1. Q. ah: arrin, hadal iwm oo aan la oggoleyn inla maqlo ama la arko; sir. 2. Q. ah: hadal hoos la isugu sheego si dadka kale aysan u maqal.
qarsoomid eeg qarsoon¹.
qarsoon (1) Wax muuqaalkoodu libdhay noqosho.
qarsoon (2) Wax muuqaalkoodu libdhay ahaansho.
qarsoonaan eeg qarsoon². ld qarsoonaansho.
qarsoonaansho ld qarsoonaan.
qartab Nafley jirkeeda meel ka mid ah cagta xoog u saarid iyadoo la soconayo. ld qardab.
qartabid eeg qartab. ld qardabid.
qartabo ld qartabyo, qartabid, qartebid.
qartabyo Joogsashada neef raaf lihi ku joogsado nafley kale. ld qartabo.
qartebid eeg qartab. ld qartabo.
qaruuf (1) Hardiyidda xooluhu geeska wax ku dhuftaan. ld qaruufid.
qaruuf (2) Xoolo gees wax ku hardiyid. ld qaruufsii.
qaruufid eeg qaruuf². ld qaruuf¹, qaruufsiin.
qaruufo Xoolo af ku maalid.
qaruufsii Naas xoolaad cid afka ugu lisid. ld qaruuf².
qaruufsiin eeg qaruufsii. ld qaruufid.
qaruunbow Nooc kalluunka ka mid ah, kuusan oo weji foolxun leh.
qaruurad Qarsho; dhalo.
qarwid eeg qaraw².
qarxad ld qarxasho, qarxid.
qarxasho eeg qarxo. ld qarxad, qarxid.
qarxi Wax qarax ku burburin.
qarxid eeg qarax². ld qarxad, qarxasho.
<< < 1195 1196 1197 1198 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 > >>