saaf (2) Hilib jiir ah balballaarin.
saafan (1) Nooc kalluun ka mid ah.
saafan (2) Hilib wax saaf laga dhigay noqosho.
saafan (3) Hilib wax saaf laga dhigay ahaansho.
saafi 1. S. ah: wax nadiif ah oo aan wasaqi ku jirin. Tus. “ Cali wuxuu keenay malab saafi ah”. 2. Saafinnimo. 3. Nooc kalluunka ka mid ah.
saafid eeg saaf². ld saaf¹ (2). saafid
saafid-kolorimitrieed (fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.
saafid-tireed 1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.
saafinnimo Saafi ahaansho.
saafir Meel safar u aadid.
saafirid eeg saafir.
saafnaan eeg saafan³. ld saafnaansho.
saafnaansho ld saafnaan.
saagooti (1) 1. Sii ambabixinta cid meel aadaysa la sii ambabixiyo. 2. ld saagoo-tiyid.
saagooti (2) Cid amba-bixin. ld sagooti².
saagootiyid eeg saagooti². ld saagooti¹, sagooti¹, sagootiyid.
saagsaagad Naag hawsha u googoysa.
saahid (1) Qof cabsida Ilaah u go'ay.
saahid (2) 1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.
saahidid eeg saahid².
saaj ld saad.
saajac S. ah: qof dhiiran oo aan cabsan; geesi.
saajacnimo Saajac ahaansho.
saajin Askari derejediisu saddax alif tahay.
saaka Maalinta la joogo subaxeeda. ld saakay.
saakay ld saaka.
saakuun Maalinta saaddambe xigta.
saalaweyneeye Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.
saalaxweetee Badeeco aan badnayn hadba meel la tegid.
saalaxweeteyn eeg saalaxweetee.
<< < 1281 1282 1283 1284 1285 1286 1287 1288 1289 1290 1291 > >>