Ereyga Maanta: jacbursi
salaan (2) Cid salaan u jeedin.
salaasa ld talaado.
salaatulqasri Salaadda oo la soo gaabiyo waqtiyada lagu jiro safarrada dhaadheer oo aan la istaageyn. ld sallaatulqasri.
salaax (1) 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey.
salaax (2) 1. Wax xoo-daamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid.
salaaxan Wax la salaaxay ahaansho.
salaaxid eeg salaax².
salaaxnaan eeg salaaxan. ld salaax-naansho.
salaaxnaansho ld salaaxnaan.
salab Qalabka lagu dagaallamo; hub.
salabayn eeg salabee.
salabee 1. Cid hubayn. 2 Wax xaaqid. 3. Wax galayn.
salabo Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
salal (1) Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. ld selel¹.
salal (2) Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. ld selel².
salali Qof hurda selel ku ridid. ld seleli.
salalid eeg salal². ld selelid.
salalin eeg salali. ld selelin.
salalsan ld selelsan.
salalsanaan ld selelsanaan.
salalsanaansho ld selelsanaan.
salammadle Shimbir Afrika ku nool oo aad u xoog badan, luqun iyo lugo dhaadheerna leh oo dusha ka madow hoostana ka cad oo cunaha hoos-tisa ku leh kiish dheer oo uu cuntada ku kaydsado. ld shalammadle.
salaw (1) Qaylo iyo buuq dhiillo leh.
salaw (2) Qaylo iyo buuq dhiillo leh samayn. ld salow².
salax (1) 1. Dhul goof noqday. 2. Dhul siman oo sisib ah.
salax (2) Bidaar-horaad; hiiro.
salayn eeg salee. ld salays.
salays ld salayn.
salaysan Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
salaysnaan eeg salaysan. ld salays-naansho.
<< < 1299 1300 1301 1302 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 > >>