Ereyga Maanta: birimbirqo
dhigaal (1) Wax meel la dhigto si waqti dambe loogu aayo (kayd).
dhigaal (2) (nax.) Habkastoo diiwaangeliya hawraar tiraab ah iyadoo la adeegsanayo qoraal.
dhigaali Wax kaydin.
dhigaalin eeg dhigaali.
dhigaalis Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
dhigad ld dhigasho.
dhigan (1) 1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.
dhigan (2) 1. Wax la qoray ahaansho. 2. U dh.: wax, wax la qiima ah ahaansho.
dhigasho eeg dhigo. ld dhigad.
dhigayn eeg dhigee.
dhigaysan Rati la raraayo wax dhiga loo yeelay ahaansho.
dhigaysnaan eeg dhigaysan. ld dhigaysnaansho.
dhigaysnaansho ld dhigaysnaan.
dhigdhexo 1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.
dhigdhig 1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).
dhigdhigsii Ka dh.: wax dhaqdhaqaajin. Tus. “Ridii dabadey ka dhigdhigsiisay”.
dhigdhigsiin eeg dhigdhigsii.
dhigdhiko Qufac isdaba joog ah; riiraxyo.
dhigdhikoo Si isdaba joog ah u quficid; riiraxyood.
dhigdhikood eeg dhigdhikoo.
dhigee 1. Aqal miyi la dhisaayo dhigo u yeelid. 2. Rati la raraayo dhigo ka taagid.
dhigid eeg dhig³. ld dhigis, dhigniin.
dhigis ld dhigid.
dhigmid eeg dhigan¹.
dhigmo Qoraalka farta.
dhignaan eeg dhigan². ld dhignaansho.
dhignaansho ld dhignaan.
dhigniin ld dhigid.
dhigo 3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.
dhihid eeg dheh. ld dhihitaan.
<< < 132 133 134 135 136 137 138 139 140 141 142 > >>