Ereyga Maanta: mudniin
dhihitaan ld dhihid.
dhiib 1. (f.g) Wax la hayo qof kale gacanta u gelin. 2. (f.g) Lacag, mushaar, deyn iwm bixin. 3. (f.mg) Is dh.: cid isu gacan gelin. 4. (f.mg) U dh.: cid wax u dirid.
dhiibaal 1. Hanti iib loo wado oo qofkii lahaa uusan la socon oo cid kale gadayso. 2. Dh. ah: rati dhaan ah oo ciddii lahayd aysan wadan.
dhiibad ld dhiibasho.
dhiibasho eeg dhiibo. ld dhiibad.
dhiibi Maro, harag iwm togid si jactadku uga ba'o.
dhiibid eeg dhiib. ld dhiibis².
dhiibin eeg dhiibi. ld dhiibis¹.
dhiibis (1) ld dhiibin.
dhiibis (2) ld dhiibid.
dhiibitir Cid dhaawac ah israacin.
dhiibitiran Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
dhiibitirid eeg dhiibitir.
dhiibitirnaan eeg dhiibitiran. ld dhibitirnaansho.
dhiibitirnaansho ld dhiibitirnaan.
dhiibo 1. Wax la hayo cid kale u gudubsasho. 2. Wax qof leeyahay cid kale ku ammaanaysasho.
dhiibsad ld dhiibsasho.
dhiibsamid eeg dhiibsan¹.
dhiibsan (1) Maro, harag iwm wax la dhiibiyey noqosho.
dhiibsan (2) Maro, harag iwm wax la dhiibiyey ahaansho.
dhiibsanaan eeg dhiibsan². ld dhiibsanaansho.
dhiibsanaansho ld dhiibsanaan.
dhiibsasho eeg dhiibso. ld dhiibsad, dhiibsi.
dhiibsi ld dhiibsasho.
dhiibso Maro, harag iwm giijisasho.
dhiico Deri.
dhiidhi (1) 1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. ld dhiidhiyid.
dhiidhi (2) Ciid biyo qooyeen; dhiiqo.
dhiidhi (3) Dhoobo aad u qoyan.
dhiidhi (4) Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin.
<< < 133 134 135 136 137 138 139 140 141 142 143 > >>