bidaarrow ld bidaarlow.
bidcee Qof bidci ka dhigid.
bidceyn eeg bidcee.
bidceysasho eeg bidceyso.
bidceyso (dii.) Wax, wax bidco ah, tixgelin.
bidci (dii.) Qof ku sifoobay dhaqanka bidcada.
bidcinnimo Bidci ahaansho.
bidco (dii.) Dhaqan diimeed cusub oo aan diinta Islaanka ka mid ahayn oo lagu soo daro.
bidcoobid eeg bidcow.
bidcow (dii) Qof bidcinnimo ku sifoobay noqosho.
biddad Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.
biddannimo Bidde ahaansho (qof).
bidde Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.
biddo Bacaad yar ka dhasha dhul geedaha laga guray.
biddood Dad la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.
bidhaamid eeg bidhaan². ld bidhaan¹ (3).
bidhaan (1) 1. Muqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa. 3. ld bidhaamid.
bidhaan (2) 1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid.
bidhaansad ld bidhaansasho.
bidhaansasho eeg bidhaanso. ld bidhaansad, bidhaansi.
bidhaansi ld bidhaansasho.
bidhaanso Wax bidhaantooda eegasho.
bidibidi Shimbir kashifta dugaagga oo ugaarsatadu neceb tahay.
bidid eeg bid. ld badid.
bidix Qof wejigiisu waqooyi ku aaddan yahay dhankiisa ku toosan galbeed ee ay ku taal gacanta aan aad wax loogu qabsan.
bidixee 1. (f.g) Wax si hagar leh u sameyn. 2. (f.mg) Ka b.: wax dhanka bidix ka marid.
bidixeyn eeg bidixee.
big 1. Sharrax, bilid, naqash, qurxin. 2. (sh.r) If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; bilig. 3. B. dheh: carar meel si deg-deg ah looga tago.
bigayn eeg bigee. ld bigays (2).
bigays 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. ld bigayn.
<< < 136 137 138 139 140 141 142 143 144 145 146 > >>