Ereyga Maanta: misow
tafniid Wax sida ay u kala fiican yihiin u kala saarid.
tafniidid eeg tafniid.
tafshaan ld dafshaan.
tafsiir (1) Fasiraad; micnayn.
tafsiir (2) Quraan fasirid; micnayn.
tafsiirid eeg tafsiir².
taftaaf 1. Cudur nafley uu ku dhacay ku raagid. 2. Cid sixrid.
taftaafan 1. Wax jirro ku raagtay ahaansho. 2. Wax la sixray ahaansho.
taftaafid eeg taftaaf.
taftaafnaan eeg taftaafan. ld taftaafnaansho.
taftaafnaansho ld taftaafnaan.
tafwareemad ld tafwareemasho.
tafwareemasho eeg tafwareemo. ld tafwareemad, tafwareemid.
tafwareemid ld tafwareemasho.
tafwareemo 1. Xoolo la soo dhacay bar goosasho. 2. Col dhinac ka weerarid. ld tafwareen.
tafwareen ld tafwareemo.
tag (1) 1. Guur. 2. Nasiib.
tag (2) 1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iwm cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid.
tagaabee Cid taageerid.
tagaabeyn eeg tagaabee. ld tagaabo (2).
tagaabo 1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. ld tagaabeyn.
tagagsi Nolol xun oo maceeshaddu ciriiri tahay. ld fagagsi.
tagfi Booddo.
tagoog Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. ld tagoogo.
tagoogo ld tagoog.
tagrifal (1) ld tagrifalid.
tagrifal (2) Ku t.: wax aan la lahayn idan la'aan isticmaalid.
tagrifalid eeg tagrifal². ld tagrifal¹.
tagsasho eeg tagso. ld tagsi.
tagsi 1. ld taksi. (-iyo, m.dh) Baabuur yar oo la kireysto. 2. ld tagsasho. Guur; tag.
<< < 1408 1409 1410 1411 1412 1413 1414 1415 1416 1417 1418 > >>