Ereyga Maanta: shirbin
tar (1) 1. Mid ka mid ah godadka dayaxa oo u dhexeeya neefmadoobaha iyo majinta oo la rumaysanyahay qofka dhasha inuu yeesho taran badan. 2. ld tarid.
tar (2) 1. Magac xiddig; afqays. 2. Bow-do.
tar (3) 1. Wax t./wax u t.: cid wax qabasho. 2. Wax badin.
taraabeesiyuus (c.nafl.) Muruq ballaaran oo qaabsaddex gees leh oo ku yaal surka intisa dambe iyo garabaka dhexdooda wuxuu, dhaqaajiya garbaha, surkana xagga dambe ayuu u qaadaa labada dhanba.
taraafiko Qayb ciidanka booliska ka tirsan oo qaabilsan nabadgelyada wad-dooyinka.
taraamantaana (juqr.) Dabayl woqooyi, qallalan oo ka dhacda gobolka miditereeniyanka.
taraanturrayn eeg taraanturree. ld taraanturyayn, turaanturyayn.
taraanturree Horay u harbin, takhantakhayn. ld taraanturyee, turaanturyee.
taraanturro Tallabooyin horay xoog loogu qaado, si qof soconayoo wax cagta ku dhuftay ama xoog kale gadaal ka soo harbiyay, dhicidda iyo kufidda isaga ilaaliyo; takhantakho. ld turaanturro.
taraanturyayn ld taraanturrayn.
taraanturyee ld taraanturree.
taraar (1) 1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. ld taraarid.
taraar (2) Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid.
taraarax (1) ld taraaraxid.
taraarax (2) 1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid.
taraaraxid eeg taraarax². ld taraa-rax¹.
taraaraysasho eeg taraarayso. ld taraaraysi.
taraaraysi ld taraaraysasho.
taraarayso Haween uur leh taraare samaysasho.
taraare Duco dumarka uurka lihi marka sidkoodu soo dhawaado samaystaan.
taraarid eeg taraar². ld taraar¹.
taraarsii Meel ciriiri ah wax xoog ku marsiin; jiirsiin.
taraarsiin eeg taraarsii.
taraawiix (dii.) Salaad ka kooban siddeeed ama kow iyo labaatan ragcadood oo la dukado cishaha kaddib xilliga soonka.
taraawil Waran yar oo af dhuuban oo riddada iyo lishaabka lagu barto.
tarabtarab Koox koox nafley ah. Tus. “Arigii yeydu tarabtarab bay u leysay”.
taraddamid eeg taraddan². ld tarad-dan¹.
taraddan (1) ld taraddamid.
taraddan (2) Labalaaboodin, walaacid.
tarakooma (daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
<< < 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 > >>