Ereyga Maanta: cawaarso
bilqan Wax la bilqay ahansho.
bilqanaan eeg bilaqan. ld bilqanaansho.
bilqanaansho ld bilqanaan.
bilqasab Si sandulle ah, si xoog ah.
bilqaxan Wax si aan nadaamsanayn loo kala daadshay ahaansho.
bilqaxnaan eeg bilqaxan. ld bilqaxnaansho.
bilqaxnaansho ld bilqaxnaan.
bilqid eeg biliq.
bilyaardi 1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.
bilyan Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; “1.000.000.000”.
bini ld beni.
binii-aadan ld banii-aadan.
binii-aadannimo ld banii-aadannimo.
binii-aadmi ld banii-aadan.
biniini Indhaha kala qaadid si wax loogu dhaygago.
biniinin eeg biniini. ld biniinis.
biniinis ld biniinin.
binnuur Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. ld binnuuri.
binnuuri ld binnuur.
biqid eeg baq². ld baq¹ (2), baqid, biqitin.
biqil (1) 1. Abuur markaa soo baxay. 2. ld biqlid.
biqil (2) Abuur iwm soo bixid.
biqitin ld biqid.
biqlayn eeg biqlee. ld biqlays, biqle (1).
biqlays ld biqlayn.
biqle 1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo. Sarreen magooliyay.
biqlee Biqle samayn (dameer, faras, iwm).
biqlid eeg biqil². ld biqil¹ (2).
biqlo ld biqle (2).
bir (1) 1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. ld bir-ajuuraan.
<< < 144 145 146 147 148 149 150 151 152 153 154 > >>