Ereyga Maanta: kaahin
dhismo (1) 1. Farsamada iyo habka wax loo dhiso. 2. (-ooyin, m.l) Wax dhisan sida guri, xafiis iwm. 3. Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso. 4. Isku-dubbarididda iyo habeynta gabay in muddo ah.
dhismo (2) (nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
dhisnaan eeg dhisan². ld dhisnaansho.
dhisnaansho ld dhisnaan.
dhisniin ld dhisid.
dhiso 1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.
dhisteri ld dhesteri.
dhitayn eeg dhitee. ld dhitays.
dhitays ld dhitayn.
dhitee Caano kaydin.
dhiti (1) Geedka xaskusha.
dhiti (2) ld dhuti.
dhitin ld dhutin.
dhitis ld dhutin.
dhito Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.
dhixid eeg dhax². ld dhixis.
dhixir Dabci; camal.
dhixis ld dhixid.
dhogof Weel yar oo godan oo wax lagu dhurto.
dhogofsasho eeg dhogofso. ld dhogofsi.
dhogofsi ld dhogofsasho.
dhogofso Dhogof hoore dardarsasho.
dhogor 1. Timaha xoolaha ugaarta, dugaagga iwm dushooda ka baxa. 2. Dh. ah: Tiro go'an oo xoolo nool ah.
dhogordhacsad ld dhogordhacsasho.
dhogordhacsasho eeg dhogordhacso. ld dhogordhacsad, dhogordhacsi.
dhogordhacsi ld dhogordhacsasho.
dhogordhacso Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isaga oo araggiisu wanaagsanaaday.
dhogorrogad ld dhogorrogasho.
dhogorrogasho eeg dhogorrogo. ld dhogorrogad.
dhogorrogmad ld dhogorrogmasho.
<< < 144 145 146 147 148 149 150 151 152 153 154 > >>