Ereyga Maanta: garbis
biriiryow (2) Baraarugid.
birikinnaas (1) Qaylo iyo sawaxan ay carruurtu sameeyeen marka ay ciyaarayaan. ld biriwixid.
birikinnaas (2) ld biriwax².
birikinnaasid ld biriwixid.
birilaxooxeed Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
birimbirqayn eeg birimbirqee. ld birimbirqo.
birimbirqee Birimbirqo samayn.
birimbirqo Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.
birin eeg biri.
biriq (1) Gantaal danab ah, xoog badan, wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac daruuro marka roob da'ayo. ld wiriq.
biriq (2) Iftiin yar oo muuqday dhaqso u qarsoomid.
biririf Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
birisam 1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.
biriwax (1) ld biriwixid.
biriwax (2) Qaylo iyo sawaxan samayn (caruur). ld birikinnaas².
biriwixid eeg biriwax². ld birikinnaas¹, birikinnaasid, biriwax¹.
birjeeb Bir, biraha kale lagu qabto oo ka kooban laba qalbac oo dhexda iska haysta oo marka gadaal la isaga qabto hore wax ka qabata; kalbad.
birjeex ld biirjeex.
birjeexnimo ld biirijeexnimo.
birjiir Bir jaadad badan ah jiirka lagu dabo.
birjiko ld burjiko.
birlab 1. Bir aad u adag oo aan jebin. 2. Bir awood u leh in ay soo jiidato biraha kale. ld birsulub.
birlabnimo-duleed (jool., fiis.) Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.
birlaxooxeed Birdaawe.
birmac Nooc birta ka mid ah oo aad u jilicsan.
birmad 1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.
birmasho eeg birmo. ld birmad (3).
birmiil Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. ld barmiil.
birmo Meel dhibaato ka aloosantay si degdeg ah ugu ciidamid.
biro-dhuleed-alkaliin (kiim.) Curiyayaasha ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Inkasta oo aanay aad ugu milmin biyaha haddana waxay la sameeyaan iyo beysyo. Waxay dhamaantood ku leeyihiin laba elektaroon heertamarta ugu sarreysa. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay II. Biraha ururkani waa: biriliyam (Be), magniisiyam (Mg), kaalsiyam (Ca), istorontiyam (Sr), baariyam (Ba) iyo radiyam (Ra).
<< < 146 147 148 149 150 151 152 153 154 155 156 > >>