xanafi Qof raacsan mad-habta Imaam Abu Xaniifa.
xanafiya Mad-hab ka mid ah afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Abu Xaniifa.
xanan Geed-yaryar ama ood qodax leh.
xanantayn ld xadatayn.
xanantee ld xadatee.
xananto ld xadato.
xanatayn ld xadatayn.
xanatee ld xadatee.
xanato ld xadato.
xandal Miro qare oo la dubay.
xandho Maal; hanti.
xandulle ld xangulle.
xanfaf (1) Nabarka ama dhaawaca cusub (siiba kan birtu gooysay) xanuunka halaca leh oo laga dareemo.
xanfaf (2) Dhaawac jirka meel ka mid ah gaaray awgiis xanuun dareemid.
xanfafid eeg xanfaf².
xanfal ld xanfaley.
xanfaley Sun ka dhalata biyaha ceelasha oo xoolaha aad u laysa. ld xanfal.
xanfaloobid eeg xanfalow.
xanfalow Wax xanfaley laysay noqosho.
xanfar Dabayl bus wadata.
xanful Badar la dubay oo bucday.
xangaruufad ld xangaruufasho.
xangaruufasho xangaruufo². ld xanga-ruufad.
xangaruufo (1) Ciddiyaha oo wax lagu nabro, lagu xagto; xagatin.
xangaruufo (2) Ciddiyaha wax ku xagasho.
xangeeyo Geed yar oo laamo dhuudhuu-ban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.
xangulle (1) Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. ld xandulle, xangullo.
xangulle (2) (c.nafl.) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maska-xeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya massa-da iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.
xangullo ld xangulle¹.
xaniid 1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.
<< < 1527 1528 1529 1530 1531 1532 1533 1534 1535 1536 1537 > >>