kalafuqso Wax is-haystay kala dillaacsasho.
kalagal Meesha ay cadduunka iyo buuraleydu iska galaan.
kalaggoyn (xis.) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
kalaggoys 1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
kalaggurad ld kalaggurasho.
kalaggurasho eeg kalagguro. ld kalaggurad.
kalagguris ld kalagurid.
kalagguro 1. Wax isku jiray ama isu dhowaa kala qaadasho. 2. Shax, jare iwm oo la kala badin waayey kala qaadasho. 3. Laba wax oo foodda is kula jiray dib u kala fogaasho.
kalagguur1 1. Labo reer kala guurid-dooda 2. K. ah: isbeddelka xilliyada, marxaladaha iwm. kalagguur2 1. (daaw.) Cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya. 2. (baay.) Heerka saddexaad ee qaybsanka unugga. kalagguur3 1. Laba reerood ama qof oo wada degganaa midba dhan u guurid. 2. Xilli isbeddelid. kalagguurid eeg kalagguur³. ld kalagguuris.
kalaqaad1 1. Bushimo, baalasha, indha-ha, iwm oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo. 2. ld kalaqaadid. kalaqaad2 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Af, indho iwm kala furid. kalaqaadid eeg kalaqaad². ld kalaqaad¹ (2).
kalasaar 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iwm oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
kalasaarid eeg kalasaar.
kalasarree 1. Wax, wax kale korkiisa saaran ahaansho. 2. Qof, qof kale ka derejo sarreeya, ahaansho. 3. Waxaan isku dherer ahayn ahaansho (dhul).
kalasarreyn1 eeg kalasarree. ld kalasarreys. kalasarreyn2 (juqr.) Faraqyada kac-sanaanta meel kasta oo dhulka dushiisa ka mid ah. kalasarreys ld kalasarreyn.
kalasooc1 1. Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro. 2. ld kalasoocid¹. kalasooc2 Wax kala jaad ah oo isku darsan intii is lehba gooni u saarid. kalasoocan1 Wax isku jaad ahaa oo la kalasaarey noqosho. kalasoocan2 Wax la kalasaaray ama la kala gooyay ahaansho. kalasoocid1 eeg kalasooc². ld kalasooc¹ (2). kalasoocid2 (baay.) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya. kalasoocmid eeg kalasoocan¹.
kalasoocnaan eeg kalasoocan². ld kalasoocnaansho.
kalasoocnaansho ld kalasoocnaan.
page : 19 of 73
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>