doograac11. Doogdhaw. 2. ld doograacid.
doograac2Meel doog leh u guurid.
doograacideeg doograac². ld doograac¹, doograacis.
doograacisld doograacid.
doogsadld doogsasho.
doogsashoeeg doogso. ld doogsad, doogsimaad, doogsimo, doogsin.
doogsimaadld doogsasho.
doogsimold doogsasho.
doogsinld doogsasho.
doogso1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iwm ka bogsasho.
doohErey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.
dooh-bibanjiDhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. ld banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.
dooh-bibiishld dooh-bibanji.
dooh-bicaddaanld caddaan-bidooh.
dooh-bijoohaarDhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.
dooh-bisaliimDhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talagalay dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena saddex. ld saliim-bidooh.
dooh-bishiishDhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bidooh.
dooh-biyeegld yeeg-bidooh.
doohadDhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
dooji1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.
doojineeg dooji. ld doojis.
doojisld doojin.
dool1Qof dilaa ah, tuug khatar ah, bahal halis ah iwm oo meel aan laga aqoon yimid.
dool21. Labada qaybood ee barida dadka ama idaha middood. 2. Doon yar oo webiyada looga tallaabo.
dool3Qof, bahal iwm meel aan laga aqoon aadid.
doolaal1. D. ah: qof ka tegey meeshiisii oo ku sugan meel kale oo ka fog oo uusan camal ku hayn loogana baahanayn. 2. D. ah: dugaag meelo kala fog ka ugaarsada.
doolaalo1. Doonashada uu neef qoor ah oo qooqan uu doonto wax uu abaahiyo ama saarto. 2. Aadidda la aado meel kale oo aan la iskaga baahnayn.
doollarLacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.
doolliJiir.
doolloDhul sare oo siman.
<< < 185 186 187 188 189 190 191 192 193 194 195 > >>