Ereyga Maanta: galabdheer
dulfadhiyid eeg dulfadhi. ld dulfadhin.
dulin 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. ld dulmi¹.
dulin-duleed (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tus. “Injirta”.
dulin-gudeed (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.
dulinnimo (c.nafl.) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
duljoog 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iwm iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
duljoogid eeg duljoog.
dulkahoor (1) Daruur qof korkiisa curatay oo da'day.
dulkahoor (2) Daruur qof dushiisa ku di'id.
dulkahoorid eeg dulkahoor².
dulkumalable Ilmo geel oo dhicis ah oo iayada oo sidkeedii waxyar ka dhimman- yihiin soo dhashay.
dullaal (1) ld dallaal¹.
dullaal (2) ld dallaal².
dullaalid ld dallaalid.
dullaalnimo ld dallaalnimo.
dullaamid ld dillaamid.
dullaamo ld dillaamo.
dullaan (1) ld dillaamid.
dullaan (2) ld dillaan².
dullee Qof dulli badid.
dulleyn eeg dullee.
dulleysasho eeg dulleyso. ld dulleysi.
dulleysi ld dulleysasho.
dulleyso Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.
dulli 1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid'ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
dullinimo Dulli ahaansho.
dulloobid eeg dullow¹.
dullow (1) ld dulloobid.
dullow (2) Dulli noqosho.
dulmadow Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
<< < 198 199 200 201 202 203 204 205 206 207 208 > >>