Ereyga Maanta: macaahado
cangaleel Nooc aleelada yaryar ka mid ah.
cangub Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg.
caniin (1) ld ciniin¹.
caniin (2) ld ciniin².
caniini ld ciniini.
caniinid ld ciniinid.
caniinin ld ciniinin.
caninnimo ld cininnimo.
canjeel Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka.
canjeelo Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero.
canjeero ld canjeelo.
canjiid Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka looga dhigo.
canjil (1) ld canjilid.
canjil (2) Cid hadal ay sheegtay si qaab daran daba dhihid; jilid; dhaajin.
canjilid eeg canjil². ld canjil¹.
cankuqaad Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay.
canqari ld anqari.
canqarin ld anqarin.
canqaris ld anqarin.
canqarsasho ld anqarsasho.
canqarso ld anqarso.
canqaw Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow.
canshuur (1) Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. ld cashuur¹.
canshuur (2) 1. Hanti canshuur ka bixin. 2. Cid canaadid. ld cashuur².
canshuuran Wax la canshuuray ahaansho (hanti). ld cashuuran.
canshuurasho eeg canshuuro. ld cashuurasho.
canshuurid eeg canshuur². ld cashuurid.
canshuurnaan eeg canshuuran. ld canshuurnaansho, cashuurnaan, cashuurnaansho.
canshuurnaansho ld canshuurnaan.
canshuuro Hanti, cashuur ka baxsasho. ld cashuuro.
<< < 213 214 215 216 217 218 219 220 221 222 223 > >>