Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: makeekee
celiye Suun dhuuban, jilicsan, xalleefsan, dun guduudan lagu qurxiyay oo gaaddada faraska iyo kooraha isuhaya.
ces Cid xurmayn.
ceshad ld ceshasho.
ceshasho eeg cesho. ld ceshad.
ceshiimee 1. Hanti la dhacay ama baadi ah ciddii lahayd u celin. 2. Safar bixiddiisa dib u dhigid. 3. Dhul in la daaqo, in mudda ah u diidid. ld ceshiinee, cishiinee.
ceshiimeyn eeg ceshiimee. ld ceshiineyn, cishiineyn.
ceshiimeysad ld ceshiimeysasho.
ceshiimeysasho eeg ceshiimeyso. ld ceshiimeysad, ceshiimeysi, ceshiineysasho, cishiim
ceshiimeysi ld ceshiimaysasho.
ceshiimeyso Wax dad ka dhexeeya si gaar ah uga faa'iideysasho. ld ceshiineyso, cishiimeyso, cishiineyso.
ceshiimo 1. Hanti la dhacay ama luntay oo ciddii lahayd loo celinayo. 2. Si gaar ah uga faa'iideysashada wax dad ka dhexeeya. ld ceshiino, cishiino.
ceshiinee ld ceshiimee.
ceshiineyn ld ceshiimeyn.
ceshiineysasho ld ceshiimaysasho.
ceshiineyso ld ceshiimeyso.
ceshino ld ceshiimo.
cesho 1. Qof, wax laga qaatay ama uu baxshay, mar labaad dib u qaadasho. 2. Wax in ay lumaan ama hallaabaan ka ilaalin.
ceyd Dhibaato cid ka haysata guri, qalab ama gaadiid la'aan awgeed.
ceydan (1) Wax ceyd hayo noqosho (qof).
ceydan (2) Wax ceyd hayo ahaansho (qof).
ceydbax (1) C. ah: helidda cid ceyd hayey hesho qalab ama gaadiid.
ceydbax (2) Cid ceyd hayey qalab ama gaadiid helid.
ceydbixi Cid ceyd hayo qalab ama gaadiid siin.
ceydbixid eeg ceydbax².
ceydbixin eeg ceydbixi. ld ceydbixis.
ceydbixis ld ceydbixin.
ceydmid eeg ceydan¹.
ceydnaan eeg ceydan². ld ceydnaansho.
ceydnaansho ld ceydnaan.
ceyntaabad Geeddi dheer oo aan la nasan.
<< < 240 241 242 243 244 245 246 247 248 249 250 > >>