Ereyga Maanta: umaamadan
dabadhiig Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
dabadhilif (1) Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa.
dabadhilif (2) Barida idaha lafta yar ee dhuuban ee ay ku dhammaato.
dabadhilifnimo Dabadhilif ahaansho.
dabaduugato Cayayaan yaryar oo midab cad leh oo dhulka cammuudda ah inta dabada ku qota dhex gala.
dabafadal Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl.
dabafur (1) 1. (-rro, m.dh) ld dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar. 3. ld dabafurid.
dabafur (2) Xog qof u qarsoon kashifid.
dabafurid ld dabafur¹ (3).
dabagaab 1. Buntukh gaaban oo meel dhow wax ka dila. 2. Ciidan wata buntukha noocaas ahi.
dabaggaalle Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
dabaggal (1) 1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.
dabaggal (2) 1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn.
dabaggee Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin.
dabaggeli Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
dabaggelid eeg dabaggal². ld dabaggal¹ (2).
dabaggelin eeg dabaggeli.
dabaggelis Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.
dabaggelisayn eeg dabaggelisee.
dabaggelisee Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid.
dabaggeyn eeg dabaggee.
dabaggibin Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
dabaggorayee Heeryo dabaggoryo u samayn.
dabaggorayeyn eeg dabaggorayee.
dabaggorayo Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
dabaggur (1) Faraxumayn naag hurudda lagu sameeyo. ld dabaggurid.
dabaggur (2) 1. Qof dumar ah oo hurdaysa si tartiib ah marada uga qaadid si looga macsiyaysto. 2. Cad yar oo maro ah oo surwaal iwm gadaal looga kabo meel faddhacday.
dabaggurid eeg dabaggur². ld dabaggur¹.
dabajoog (1) 1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid.
dabajoog (2) Qof, xoolo iwm gadaashooda socosho.
<< < 286 287 288 289 290 291 292 293 294 295 296 > >>