Ereyga Maanta: mililikh
dabajoogid eeg dabajoog². ld dabajoog¹ (2).
dabakafur Nooc banaatiikhdii hore ka mid ah. ld dabafur¹ (1).
dabakafuul Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka.
dabakakiil (1) Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub).
dabakakiil (2) Nin haad uu kiishay, labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay isla haadkii isu soo celin.
dabakakiilad ld dabakakiilasho.
dabakakiilasho eeg dabakakiilo. ld dabakakiilad.
dabakakiilid eeg dabakakiil².
dabakakiilo Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
dabakannaax Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax.
dabakannaaxid Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid.
dabakar (1) 1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah.
dabakar (2) Maro, cad maro kale ah ku tolid.
dabakarid eeg dabakar².
dabakarruub Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
dabakeen (1) Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen (2) Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen (3) Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin.
dabakeenid eeg dabakeen³.
dabakeennimo Dabakeen ahaansho (qof).
daballaab Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.
dabammar (1) 1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. ld dhabammarid.
dabammar (2) 1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid.
dabammari 1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin.
dabammarid eeg dabammar². ld dabammar¹ (3).
dabammarin eeg dabammari.
dabammaryayn eeg dabammaryee. ld dabammaryo (3).
dabammaryee Cid dabammaryo ku samayn.
dabammaryo 1. Nooc legdenka ka mid ah oo qofka gadaal la isu dhaafiyo. 2. Khiyaano; dhagar. 3. ld dabammaryayn.
daban 1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo).
<< < 287 288 289 290 291 292 293 294 295 296 297 > >>