Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: darfooley
dabargoo Wax jiritaankooda baabbi'in.
dabargoyn eeg dabargoo. ld dabargoys (3).
dabargoys 1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. ld dabargoyn.
dabarriyaadle ld dabarriyeedle.
dabarriyeedle Bawne. ld dabarriyaadle.
dabasacle Nooc cawska ka mid ah oo geelu uu daaqo oo leh fiid cad oo wax mudi karta.
dabashabeelis 1. Ciyaar carruurtu ay ciyaaran, iyagoo gadaal ku xiranaya maro la duuduubay oo sayn loo ekeysiiyay. 2. Qof cid kale wax kasta ku raaca.
dabashiid Heensasaar.
dabasho eeg dabo².
dabasoco Dabagelid; raacid.
dabasocod ld dabasocosho.
dabasocosho eeg dabasoco. ld dabasocod.
dabataag Nooc ka mid ah, leh midabka cawsha, lana eg, bogga ka cad oo markay ordayso dabadi taagta. ld dibtaag.
dabato Dad ugaarsi ku nool.
dabax (1) ld daabax¹.
dabax (2) ld daabax².
dabaxad Naag hurudda farxumayn.
dabaxadid eeg dabaxad.
dabaxaw Cudur calooleed leh shuban xad dhaaf ah.
dabaxir (1) Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada.
dabaxir (2) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin.
dabaxiran Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho.
dabaxirasho eeg dabaxiro.
dabaxirid eeg dabaxir².
dabaxirnaan eeg dabaxiran. ld dabaxirnaansho.
dabaxirnaansho ld dabaxirnaan.
dabaxiro Ku d.: cid, cid kale wax ay caadeystay kula saaxiibid.
dabayaaqo Wax badankii tegay inta yar oo dambaysa; badbaadi.
dabayl (1) 1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.
dabayl (2) (c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka.
<< < 289 290 291 292 293 294 295 296 297 298 299 > >>