Ereyga Maanta: codlaawe
dabin Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
dabindhuud Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
dabinqool 1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool.
dabis 1. ld tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala.
dabjoog Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo.
dable Askari aan derajo lahayn.
dabley Dad hub haysta.
dabnaan eeg daban. ld dabnaansho.
dabnaansho ld dabnaan.
dabnaareed (dii.) Dab cadaabeed.
dabniin ld dabid.
dabo (1) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo (2) 1. Ugaar, kalluun iwm dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.
dabool (1) 1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid.
dabool (2) Gudin weyn.
dabool (3) 1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”.
daboolan (1) 1. Weel iwm wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho.
daboolan (2) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iwm.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho.
daboole Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
daboolid eeg dabool².
daboolmid eeg daboolan¹.
daboolnaan eeg daboolan². ld daboolnaansho.
daboolnaansho ld daboolnaan.
daboolo ld daboole.
dabqaad Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.
dabqabad Birqabad.
dabqid eeg dabaq². ld dabbaqid.
dabraac (1) 1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid.
dabraac (2) Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag.
dabraac (3) Soo d.: qof meel allabari iwm ka jiraan cunto u raadsasho.
<< < 293 294 295 296 297 298 299 300 301 302 303 > >>