Ereyga Maanta: afxirasho
farsug Farqoraal sixitaankeeda sugid.
farsug (1) Arday in looxa macallinku cashar ugu qoro sugid.
farsugid eeg farsug.
fartoomid eeg fartoon. ld farmid.
fartoon Sidii loo baahnaa amar u qaadasho (qof). ld faran¹.
faruur (1) Cirir.
faruur (2) 1. Labada bushumood oo afka nafleyda middood. 2. (daaw.) Kala jeex faruurta sare ku sameysma iin awgeed.
faruur (3) 1. Hoore (sida biyaha iwm) marin u dillaacin. 2. Bushin dillaacin.
faruuran (1) Wax meel weyn dillaacsaday noqosho (hoore).
faruuran (2) Wax faruur dillaacsan leh ahaansho.
faruurid eeg faruur³.
faruurmid eeg faruuran¹.
faruurnaan eeg faruuran². ld faruurnaansho.
faruurnansho ld faruurnaan.
faruurxir (1) 1. Xarig yar oo layskula xiro faruurta awrta iyo hoggaanka. 2. ld faruurxirid.
faruurxir (2) Awr xarig faruur kaga xirid.
faruurxiran Wax faruur laga xirey ahaansho (awr).
faruurxirid eeg faruurxir². ld faruurxir¹ (2).
faruurxirnaan eeg faruurxiran. ld faruurxirnaansho.
faruurxirnaansho ld faruurxirnaan.
farxaan F. ah: qof farxadi hayso.
farxaanad Haweeney farxadi hayso.
farxaansan ld faraxsan.
farxaansanaan ld faraxsanaan.
farxaansanaansho ld faraxsanaan.
farxad ld farax¹.
farxamid eeg farxan¹.
farxan (1) Miro kuwa kale ku darsan noqosho.
farxan (2) Miro wax kale ku darsan ahaansho.
farxanaan eeg farxan². ld farxanaansho.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>