Ereyga Maanta: maneysi
gabar1  Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan. gabar2  1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. ld geber, gabadh. gabarey-maanyo  Nafley la aaminsanyahay in ay badda ku nooshahay oo qaarka sare gabar ka ah qaarka dambena mallaay. ld habarey-maanyo.
gabareymaanyo  Nafley la rumeysan- yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.
gabarnimo  Gabar ahaansho.
gabarraale  Nooc kalluunka ka mid ah.
gabas  1. Nooc warmaha waaweyn ka mid ah. 2. Hanti.
gabax1  Meel bannaan oo dabayl iyo dhaxan badan. gabax2  Si tartiib ah oo aan biyo dhig lahayn u di'id (roob). gabaxle  Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn, muddo dheerna da'a.
gabay1  Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin. gabay2  Gabay tirin. gabayaa  ld gabyaa.
gabaye  Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.
gabayoox  ld gabaayoox.
gabayre  1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. ld gabaayoox, gabayoox.
gabaysii  Ka g.: qof gabay ku beerid.
gabaysiin  eeg gabaysii.
gabbaad  Wax, wax kale looga gabbado.
gabbaadsasho  eeg gabbaadso. ld gabbaadsi.
gabbaadsi  ld gabbaadsasho.
gabbaadso  ka g.: wax gabbaad ka dhigasho.
gabbaan1  G. ah: neef aan caano badan lahayn. gabbaan2  Nooc miisaan ah. ld gabne, gabno, gibbaan. gabbaannimo  Gabbaan ahaansho. ld gibbaannimo.
gabbaati1  Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya. gabbaati2  Hanti yar, markaas gabar la guursanayo, ka bixin. gabbaatiyid  eeg gabbaati².
gabbad1  ld gabbasho. gabbad2  Xantoobo.
page : 11 of 102
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>