soohid
(m.f.dh)eeg sooh².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soohid ↴
dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
farshaxan [m.l]
1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.
korsoohid [m.f.dh]
eeg korsooh².
maleeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax soohid. 2. Cid shirqool u dhigid.
mari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
ruduc [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dcay, -ducday; -dci)
Dun ama mayrax sida dhaclaha oo kale u soohid.
saloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Xarig iwm isku soohid.
tidic [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dcay, -dicaday; -dci)
Dun, xarig, timo iwm hab gaar ah isugu soohid.
xiis [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid.