Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
hogotusaalee  Arrin xaqiiqdeeda wax ka sheegid. ld hogatusaalee.
hogotusaaleyn  eeg hogotusaalee. ld hogatusaaleyn.
hoh  Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!.
hohob1  Kabdaha nooc ka mid ah. hohob2  1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas. hoji  1. (f.g) Wax socda joojin. 2. (f.mg) U h.: cid wax u jeedsiin.
hojin  eeg hoji. ld hojis.
hojis  ld hojin.
hol  Wax isku dayid; tijaabin.
holac1  Kulayl; dab; olol; holoc. holac2  (daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo deg-deg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood. holac-cad-hunguri  (daaw.) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oo ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).
holac-dulul  (daaw.) Halaamacoodka mid ama ka badan ee dulalka agagaarka sanka ku yaal oo hawadu ku jirto.
holac-kaadihays  (daaw.) Halaamacoodka kaadihaysta, inta badan waxa keena baktiiriyada “escherichia coli”. Astaamo: kaadirabid badan, kaadi gubid iwm.
holac-kaadimareen  (daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
holac-kiishyaro  (daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.
holac-qabsiinood  (daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.
holac-xuub-ubuceed  (daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.
holac-xuub-wadneed  (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.
holan  ld holon.
holansad  ld holmisasho.
holansan  Wax holan lagu dubay ahaansho.
holansanaan  eeg holansan. ld holansanaansho.
holansanaansho  ld holansanaan.
holansasho  ld holmisasho.
holanso  ld holmiso.
holce  Waxyaabo si sahlan dabka u qabsan og, sida aalkolada, baansiinka iwm.
holci  1. Dab holac ka keenid. 2. Wax gubid.
holcid  eeg holoc².
holcin  eeg holci.
page : 70 of 93
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 > >>

 

Exit mobile version