Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tamar
jeermidile (daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.
jeermiga xiidmaha (baay.) Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.
jeermis-dilid 1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiis.) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
jeermisdile 1. (daaw.) eeg caabuqtire. 2. (daaw.) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.
jeermitir Wax jeermi ka dhammayn.
jeermitire Daawo jeermiga lagu dabar gooyo.
jeermitirid jeermitir.
jees Qoys meel gooni ah deggan.
jeesad ld jeensasho.
jeesasho ld jeensasho.
jeesgogol Harar yar oo lagu seexdo.
jeesi ld jeensasho.
jeesjees (1) 1. Hadal si kibir ah loo yiraahdo oo cid lagu xumaynaayo; kajan; likaaco. 2. ld jeesjeesid.
jeesjees (2) Hadal kibir iyo digasho ku jirto cid u jeedin.
jeesjeesid eeg jeejees². ld jeesjees¹ (2).
jeeso ld jeenso.
jeex (1) 1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.
jeex (2) Wax dillaacin.
jeexan (1) Wax dillaacay noqosho.
jeexan (2) Wax dillaacay ahaansho.
jeexane Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
jeexasho eeg jeexo².
jeexdin 1. Meel dillaacsan. 2. Meel godan oo dhulka ka hoosaysa. 3. Meel dillaacsan oo dhulka ku taal oo ay biyuhu maraan.
jeexgogol Derin weyn oo la goglado.
jeexid eeg jeex².
jeexmid eeg jeexan¹.
jeexnaan eeg jeexan². ld jeexnaansho.
jeexnaansho ld jeexnaan.
jeexo (1) Meel godan oo biyo mareen ah. ld jeex¹ (2).
jeexo (2) Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iwm).
<< < 833 834 835 836 837 838 839 840 841 842 843 > >>

 

Exit mobile version