Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tefiir
bigee Shaah karin.
bigil (muus.) Qalab muusig hawada ku shaqeeya, labada dacal ka furan, leh daloolo sawdkeeda lagu codeeyo oo sida badan ay ciidammadu isticmaalaan, turumbo.
biglayn eeg biglee.
biglee Iftiin kala googgo'an oo is daba jooga samayn.
bigrojebi Gabar cadradnimo ka bi'in.
bigrojebin eeg bigrojebi.
bihimbih Oohin beerlaxawsi leh oo ay siiba carruurtu sameeyaan marka ay wax doonayaan.
bihimbihi Is b.: bihimbih samayn.
bihimbihin eeg bihimbihi..
bii'ad ld bey'ad.
biibbiilayn eeg biibbiilee. ld biibbiile (3).
biibbiile 1. Haraatida labada addin ee dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.
biibbiilee 1. Faras, dameer iwm addimada dambe wax ku haraatin.
biibbo ld bayb.
biibiile (muus.) Siinbaar.
biic 1. ld beec. Qiimaha wax lagu iibinayo. 2. B. ah: wax iib u yaal.
biici Wax iib u raadin. ld beeci.
biicin eeg biici. ld beecin, beecis, biicis.
biicis ld biicin.
biicmushtar (1) ld Biicmushtari; biicmushtarid.
biicmushtar (2) Ka b.: qof badeeco iibinteeda ama gadiddeeda hawl ka dhigasho. ld baayacmushtar²; beecmushtar².
biicmushtari Qof badeeco gadiddeeda ama iibsashadeeda hawshiisu tahay; ganacsade. ld baayacmushtar¹ (2), baayacmushtari, beecmushtar¹.
biicmushtarid eeg biicmushtar². ld baayacmushtar¹ (1), baayacmushtarid, beecmushtari.
biicsad ld biicsasho.
biicsasho eeg biicso. ld beecsad, beecsasho, beecsi, biicsad, biicsi.
biicsi ld beecsasho.
biicso Wax beec u raadsasho. ld beecso.
biid 1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof)..
biif (1) 1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.
biif (2) 1. Badar, digir iwm oo la tumayo ama la shiiday biyo yar ku qoyn. 2. Caddayn, qurxin.
<< < 137 138 139 140 141 142 143 144 145 146 147 > >>

 

Exit mobile version