jeenan Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.
jeenanboob Jeenanboob ah; qof sakaraadaya oo jeenanka aad u qaata.
jeenani Qof aad u xanuunsan cabbitaan siin.
jeenanin eeg jeenani.
jeeni Labada lugood ee xayawaanka afar addinlaha ee hore middood.
jeenicalaf 1. Jeeni. 2. Libaax dad cun ah.
jeeniqaar Qarqar ka ridashada maro, suun iwm iyadoo labadiisa dacal si iswaydaar ah laysugu xirayo kilkilada hoostooda.
jeeniwareen (daaw.) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
jeensad ld jeesasho.
jeensasho eeg jeenso. ld jeensad, jeensi, jeesad, jeesasho, jeesi.
jeensi ld jeesasho.
jeenso 1. Dib ama dhinac wejiga ama oogada u duwid. 2. U j.: wax mudnaanta koowaad siin. ld jeeso.
jeeqaaq1 1. Daymo dhinac wax loo dayo. 2. Rajayn wax la rajeeyo. jeeqaaq2 1. Wax rajayn. 2. Dhinac wax u dayid. jeeqaaqid eeg jeeqaaq².
jeer1 1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?. jeer2 (c.nafl.) Naasley beri biyood ah, xoog leh, af ballaaran, aan dhogor lahayn, lugo gaagaaban oo ku nool webiyada Afrika. jeeraari Xoolo jeeraaro samayn.
jeeraarin eeg jeeraari. ld jeeraro.
jeeraaro Orod wareeg ah oo farxadi ku jirto oo xooluhu sameeyaan. ld jeerarin.
jeerin (bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.
jeerjeer 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
jeermi Noole aad u yar, ili-maqabatay ah oo cudurrada keena.
jeermidile (daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.
jeermiga xiidmaha (baay.) Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.
jeermis-dilid 1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiis.) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
jeermisdile 1. (daaw.) eeg caabuqtire. 2. (daaw.) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.
jeermitir Wax jeermi ka dhammayn.
jeermitire Daawo jeermiga lagu dabar gooyo.
jeermitirid jeermitir.
page : 25 of 53
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>