Ereyga Maanta: meereysan
ajee (ajeeyay, ajaysay) Biyo ajo ka dhigid.
ajeendo 1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iwm.
ajeyn eeg ajee.
aji (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
ajiib (1) 1. Aqbal. 2. ld ajiibid.
ajiib (2) Cid wax ay rabto ka aqbalid.
ajiibid eeg ajiib². ld ajiib¹ (2).
ajir ld ajar¹ (1).
ajirsad ld ajarsasho.
ajirsasho ld ajarsasho.
ajirso ld ajarso.
ajli 1. Sabab; daraad. 2. A.gay, a.gaa, iwm: daraadday, daraaddaa.
ajnebi Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.
ajnebiyad Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.
ajo Biyo meel ku raagay oo midabkoodii, dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
ajoo Ka a.: qof, wax sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.
ajood eeg ajoo.
ajri ld ajar¹ (1).
ajuuro ld ijaar¹.
akademiye 1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. ld akademiyo.
akademiyo ld akademiye.
akeekamid eeg akeekan². ld akeekan¹ (2).
akeekan (1) 1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. ld akeekamid.
akeekan (2) Muran hagag ku jiro samayn.
akhas Erey la yiraahdo markii la arko ama la maqlo wax xun. ld aqas.
akhdar Cagaar. ld akhtar.
akhir Waqti la rabay dib uga dhicid.
akhiran (1) Wax waqti la rabay dib uga dhacay noqosho.
akhiran (2) Wax waqti la rabay dib uga dhacay ahaansho.
akhiri Wax waqtigiisa dib u dhigid.
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>