dhaddigeyn ld dheddigeyn.
dhaddignimo ld dheddignimo.
dhaddigood ld dheddigood.
dhadhaab (1) Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo.
dhadhaab (2) 1. Meel leh dhagax fidsan oo is haysta. 2. Meel maydka lagu dhaqo.
dhadhaab (3) (jool.) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.
dhadhaab-habe (jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.
dhadhaab-lakabeed (jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.
dhadhaab-saleed (jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.
dhadhaab-shiileed (jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
dhadhaab-shileed-hoose (jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.
dhadhaar (1) ld dhardhaar¹.
dhadhaar (2) ld dhardhaar4.
dhadhaarad ld dhardhaarasho.
dhadhaaran ld dhardhaaran.
dhadhaarasho ld dhardhaarasho.
dhadhaarid ld dhardhaarid.
dhadhaarnaan ld dhardhaarnaan.
dhadhaarnaansho ld dhardhaarnaan.
dhadhaaro ld dhardhaaro.
dhadhab (1) 1. Riyo hadal leh oo aan la xusuusan marka la tooso; qarow. 2. ld dhadhalid.
dhadhab (2) 1. Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood. 2. Ku dh.: wax la jecelyahay ku qarwid.
dhadhabid eeg dhadhab². ld dhadhab¹ (2).
dhadhamarraac Dhuuniraac. ld dhandhamarraac.
dhadhami Wax dhadhankooda hubin. ld dhadhemi, dhandhami, dhandhemi, dhedhemi.
dhadhamid eeg dhadhan². ld dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
dhadhamin eeg dhadhami. ld dhadhamis, dhadhemin, dhadhemis, dhandhamin, dhand
dhadhamis ld dhadhamin.
dhadhamo In yar oo wax dhadhankooda lagu ogaado. ld dhadhemo, dhandhamo, dhandhemo, dhedhemo.
dhadhan (1) 1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iwm la kulmo. 2. Macaan. ld dhadhen¹, dhandhan¹, dhandhen¹, dhedhen¹.
<< < 360 361 362 363 364 365 366 367 368 369 370 > >>