Ereyga Maanta: uugaamin
dhagarley Haweeney dhagar badan. ld dhagarrey.
dhagarlow ld dhagarqabe.
dhagarqabe Qof cid dhagar ka galay. ld dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.
dhagarre ld dhagarqabe.
dhagarrey ld dhagarley.
dhagarrow ld dhagarqabe.
dhagax Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
dhagax-aboodi Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.
dhagax-burbur-kiimikaad (kiim.) Burburka ku dhaca dhadhaabaha ee ka dhasha falgalka kiimikaad.
dhagax-cas (jool.) Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh.c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
dhagax-lool Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.
dhagax-madoobe (jool.) Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
dhagax-madow Nooc ka mid ah dhagaxa adag, laga helo buuraha qaarkood oo markuu isku dhaco dab ka baxo.
dhagax-nuuradeed (jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.
dhagax-xameetiyeed (daaw.) Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.
dhagaxbaruur Dhagax midab cad leh oo jilicsan.
dhagaxdhaal Dhul meelina dhagax tahay, meelna ciid.
dhagaxdixeed Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.
dhagaxturaanturro Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.
dhagaxyee Wax dhagax la dhacid. ld dhagxi.
dhagaxyeyn eeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis.
dhagdhag Qosol aad u dheer oo aan kala go'lahayn.
dhagi Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi.
dhagrid eeg dhagar².
dhagsii Qof ama wax dilid.
dhagsiin eeg dhagsii.
dhaguf Wadaan gaboowday.
dhagxi ld dhagaxyee.
dhagxin ld dhagaxyeyn.
dhagxis ld dhagaxyeyn.
<< < 363 364 365 366 367 368 369 370 371 372 373 > >>