Ereyga Maanta: shirbin
dhakhaatiir ld takhaatiir.
dhakhadhookh Qof dad ka qosliya.
dhakhsad ld dhaqsad.
dhakhsaha falgalka (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.
dhakhsasho ld dhaqsasho.
dhakhsi ld dhaqsasho.
dhakhsiinyo ld dhaqsad (1).
dhakhso (1) ld dhaqsad (1).
dhakhso (2) ld dhaqso².
dhakhso-horsiimo-kowaad (kiim.) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.
dhakhtar ld takhtar¹.
dhakhtarnimo ld takhtarnimo.
dhako (1) 1. Madaxa meeshiisa sare, dhalo. 2. Meesha ugu sarraysa (guri, geed, buur iwm); fiin.
dhako (2) 1. Iyadoo wax la qaadaayo ama wax laga cabsanaayo meel ku dhuumasho; gabbasho.
dhakool (1) 1. Qof, wax meel cidla'ah taagan ama ka dhisan. 2. ld dhakoolid.
dhakool (2) Qof, meel cidla'ah iska taagnaansho ama ka dhisnaansho.
dhakoolid eeg dhakool². ld dhakool¹.
dhal (1) 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
dhal (2) 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.
dhalaad (daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.
dhalaal (1) Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹.
dhalaal (2) 1. Muuqaal ifaaya yeelasho. 2. Dareere noqosho (adke). 3. Ka soo dh.: qof, hawl loo xilsaaray sidii la rabey u fulin. ld dhalal².
dhalaali Wax dhalaalaya ka dhigid. ld dhalali.
dhalaalid eeg dhalaal². ld dhalalid.
dhalaalin (1) eeg dhalaali. ld dhalaalis, dhalalin.
dhalaalin (2) (fiis.) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis.
dhalaalis ld dhalaalin.
dhalaaliso Qabow aad u xun. ld dhalaalyo, dhalaliso.
dhalaalo 1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. ld dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iwm. ld dhalalo.
dhalaalyo ld dhalaaliso; dhalaalo.
<< < 365 366 367 368 369 370 371 372 373 374 375 > >>