dheg-kafaar (1) ld dhakafaarid.
dheg-kafaar (2) ld dhakafaar².
dheg-kafaari ld dhakafaari.
dheg-kafaarid ld dhakafaarid.
dheg-kafaarin ld dhakafaarin.
dheg-kafaarsan ld dhakafaarsan.
dheg-kafaarsanaan ld dhakafaarsanaan.
dheg-kafaarsanaansho ld dhakafaarsanaan.
dhega-adag Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.
dhega-adayg (1) Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan.
dhega-adayg (2) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid.
dhega-adaygid eeg dhega-adayg².
dhega-adkaan eeg dhega-adag. ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
dhega-adkaansho eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan.
dhega-adkow Wax dhega-adag noqosho.
dhegaati 1. Xarig yar oo dhigaha lagu xiro. 2. Siddo xarig ah oo waxyaabaha qaar loo yeelo. ld dhagaati.
dhegabbeel (1) Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. ld dhegabbeelid.
dhegabbeel (2) Awoodda maqalka waayid (nafley).
dhegaculays ld dhegacuslaan.
dhegaculus Qof aan si fiican dhegaha wax uga maqlin ahaansho.
dhegacuslaan eeg dhegaculus. ld dhegaculays, dhegacuslaansho.
dhegacuslaansho eeg dhegacuslow. ld dhegacuslaan.
dhegacuslow Qof aan dhegaha si fiican wax uga maqlin noqosho.
dhegadhabad ld dhegadhabasho.
dhegadhabasho eeg dhegadhabo. ld dhegadhabad.
dhegadhabo Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm).
dhegadhego Qalab ka samaysan dahab, qalin, macdan iwm oo ay dumarku dhegaha gashadaan; hilqado.
dhegafarasoobid eeg dhegafarasow². ld dhegafarasow¹ (3).
dhegafarasow (1) 1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. ld dhegafarasow¹.
dhegafarasow (2) 1. Maqalka dhegaha kordhid. 2. Sharqamo aan jirin maqlid..
<< < 396 397 398 399 400 401 402 403 404 405 406 > >>