dhegeyso 1. Dhawaaq, shanqar iwm dheg u dhigid. 2. Cid hadal loo soo jeedinaayo ismoogeysiin.
dhegeyste Qof wax dhegeysta ama dhegeysanaaya.
dheggan 1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).
dhegganaan eeg dheggan. ld dhegganaansho.
dhegganaansho ld dhegganaan.
dhegid eeg dheg².
dhegjeex (1) Summad idaha dhegaha looga dhigo iyadoo dhegta dhinac la jeexayo.
dhegjeex (2) Ido, summad dhegaha uga samayn iyadoo dhegta dhinac la jeexayo.
dhegjeexid eeg dhegjeex².
dhegnuugsad ld dhegnuugsasho.
dhegnuugsasho eeg dhegnuugso. ld dhegnuugsad, dhegnuugsi (2).
dhegnuugsi 1. War aan laysu sheegin ee dhegta laga maqlay. 2. ld dhegnuugsasho.
dhegnuugso War si dadban u dhegeysasho.
dhegoole Nin aan wax maqlin.
dhegoolee Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
dhegooley Naag aan wax maqal.
dhegooleyn eeg dhegoolee.
dhegraac (1) Ballaarinta beer la ballaarinayo oo bowdka la fakinayo.
dhegraac (2) Beer bowdkeeda fakin.
dhegraacid eeg dhegraac².
dhegraarici U dh.: qof si fiican u dhegaysasho.
dhegraaricin eeg dhegraarici.
dhegsami Sumcad wanaagsan oo la yeesho.
dhegsan Wax meel ku naban ahaansho.
dhegsanaan eeg dhegsan. ld dhegsanaansho.
dhegsanaansho ld dhegsanaan.
dhegsasho eeg dhegso.
dhegsin Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
dhegso Ku dh.: wax meel ku nabasho.
dhegtaag U dh.: wax maqalkooda u dhegraaricin.
<< < 398 399 400 401 402 403 404 405 406 407 408 > >>