Ereyga Maanta: keni
haruufid ld huruufid.
haruur (1) Nooc dalagga la beerto ka mid ah, la cuno, oo leh bal, sabuul, iyo miro yar-yar.
haruur (2) Bari idaad oo subaggii la shiilay; shariir; shaxaroor.
harwaa Qof aan quusan.
harwaraable Waqtiga kulul meelaha aan geedaha lahayn isgelinta iduhu ay madaxa isgeliyaan.
harwaraablee Waqti kulul meel aan dhir lahayn madaxa isgashasho(ido).
harwaraableyn eeg harwaraablee.
haryuub 1. Duuduubka haragga dadka aad u duqoobay yeesho. 2. Buuryo.
has (1) Bus fuula alaab aan mudda la isticmaalin.
has (2) 1. Wax yasid. 2. Cid cabsi gelin. 3. Cid nijaaseyn.
hasad ld hansad.
hasan Wax nijaasi ku hallowday ahaansho.
hase ahaatee ld hayeeshee.
haseyeeshee ld hayeeshee.
hashuur (juqr.) Xarriiqyo harayn oo gaagaaban oo khariidadda lagu dul sawiro si loo muujiyo farqiga u dhexeeya tiirada dhulka. Haddii tiiradu ay taagantahay xarriiqyadu waa dhumuc weynyihiin waana isku dhawyihiin; haddiise tiiradu ay sahlantahay, xarriiqyadu waa dhuudhuubanyihiin waana kala durugsanyihiin.
hasid eeg has².
hataaqayn ld hantaaqayn.
hataaqee ld hantaaqee.
hataaqo ld hantaaqo.
hataaqoo ld hantaaqoo.
hataaqood ld hantaaqood.
hataq ld hantaq.
hataticid ld hantaaticid.
haw (1) Cod lagu muujiyo hororidda ama haliilidda.
haw (2) Cod lagu muujiyo dabeysha foorinteed.
hawaan Wax la is yeelsiiyo; xoog; dirqi; sandulle, khasab.
hawaar (1) 1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. ld hawaarid.
hawaar (2) Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto.
hawaar (3) Si barraaq ah u fariisasho (neef geel ah).
hawaaran 1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. ld hawaarsan.
<< < 714 715 716 717 718 719 720 721 722 723 724 > >>