Ereyga Maanta: shirbin
haybermetrobiya (daaw.) Xaalad arag oo ay fallaraha ifku ku dhacayaan meel ka dambeysa xuubka aragga (reetina) marka qofku si caadi ah wax u eegayo. Wixii yaal meel ka dhaw lix mitir si fiican u muuqan maayan, wixii yaal lix mitir meel ka fogna si fiican u muuqan mayaan laaki in mararka qaarkood indhaha oo la khasbo ayaa lagu arkaa. Waxa ugu fiican ayadoo la qaato muraayadaha indhaha oo takhtar uu qoro.
haybi 1. Baadi cid weyddiin. 2. Wax cid weyddiin.
haybin eeg haybi. ld haybis.
haybis ld haybin.
haybotayrodism (daaw.) Shaqada qanjirdhiiga taayrodka oo yaraata. Haddii lagu dhasho oo an la daawayn waxay keeneysa karaetiniism. Haddii qof weyn ku dhacdo waxay keentaa hoos u dhac maskax iyo jirba, qabow dareen dheeraad ah, garaaca wadnaha oo yaraada, culeyska oo kordha iyo maqaarka oo dildillaca.
haybsad ld haybsasho.
haybsasho eeg haybso. ld haybsad, haybsi.
haybsi ld haybsasho.
haybso 1. Cid haybtiisa weyddiin. 2. Cid wax weyddiisasho.
haydaar eeg haydaaro.
haydaarayn eeg haydaaree. ld haydaarays.
haydaarays ld haydaarayn.
haydaaree Cid haydaaro u gaysasho.
haydaaro 1. Dhib, luggooyo iwm oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. ld haydaarto.
haydaarto ld haydaaro.
haydal (1) h. ah: neef ido ah oo caato ah.
haydal (2) Neef ido ah caatoobid.
haydalan (1) Neef ido ah wax caatoobey noqosho.
haydalan (2) Neef ido ah wax caato ah ahaansho.
haydalid eeg haydal².
haydalmid eeg haydalan¹.
haydalnaan eeg haydalan². ld haydalnaansho.
haydalnaansho ld haydalnaan.
haydaro'ogsaydh (kiim.) Iskudhis uu ku jiro ayoonka OH- ama kooxda -OH.
haydarojiin (kiim.) Summadda H. Curiye neef ah oo ur iyo midab midna aan lahayn. Waa curiyaha ugu fudud uguna badan adduunka. Wuxuu ku jiraa biyaha iyo dhammaan iskudhisyada organikada ah.
haydarojiin-cursan (kiim.) Nooc gaar ah oo haydarojiin aad u firfircoon ah oo la rumeysan yahay inuu jiri karo muddo gaaban oo u dhaxaysa marka uu sameysmo iyo marka uu u muuqdo xumbo ahaan.
haydarojiinayn (kiim.) Falgalka dhexmara iskudhis iyo haydarojiin.
haydarokaarboon (kiim.) Iskudhisyada kiimikaad ee ka kooban karboon iyo haydarojiin oo keliya.
haydarokoloorik asiidh (kiim.) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
haydh (fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.
<< < 720 721 722 723 724 725 726 727 728 729 730 > >>