Ereyga Maanta: dhaniimid
aydiyooloojiyo ld aydiyolooji.
ayeeyo 1. Hooyadaa hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j: ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey.
ayeeyolugadheer ld ayeeyolugdheer.
ayeeyolugdheer (c.nafl.) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.
aygarad Qof caqli badan oo aan la dagi karin.
aygaradnimo Aygarad ahaansho (qof).
ayid Arrin, figrad iyo go'aan taageerid.
ayidid eeg ayid.
ayidsan Qof, wax ayiday ahaansho.
ayidsanaan eeg ayidsan. ld ayidsanaansho.
ayidsanaansho ld ayidsanaan.
ayiman Badar karsamaya wax la budo lagu daray.
ayimid eeg ayin². ld ayin¹.
ayimnaan eeg ayiman. ld ayimnaansho.
ayimnaansho ld ayimnaan.
ayin (1) Ku daridda badar karsamayo budada lagu daro. ld ayimid.
ayin (2) Badar karsamaya budo ku darid.
aynab (1) Laynta dad badan hal mar la wada laayo.
aynab (2) Dad badan hal mar wada layn.
aynabid eeg aynab².
aynfaad (1) 1. Dhibaato aad u ballaaran. 2. ld aynfaadid.
aynfaad (2) Dhibaato aad u ballaaran la kulmid.
aynfaadid eeg aynfaad². ld aynfaad¹ (2).
ayni 1. Tayada ay wax leeyihiin. 2. Da'.
aynnu Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayaa; innagu. Tus. “Guriga aynnu aadno”.
aynshaad (1) Codka lagu qaado qasaa'idka diiniga ah.
aynshaad (2) Qasaa'id diini ah ku luuqeyn.
aynshaadid eeg aynshaad².
ayo 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?.
ayodhiin (daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
<< < 69 70 71 72 73 74 75 > >>